Wararka

Ciidamadda Amaanka Dhuusa-mareeb oo Qabtay Khamri iyo dad ka Ganacsanayay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in ciidamadda amaanka magaaladaas ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dad ka ganacsanayay. Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Booliska Magaaladaas ayaa sheegay in ciidamadda ay beegsadeen goob lagu sameyn jirey khamriga,islamarkaana lagu iibin jirey. Sidoo kale waxa ay sheegeen saraakiisha in dadka lasoo qabtay sharciga lala tiigsan doono,waxayna ...

Read More »

Axmed Madoobe:-“Waxaan Diyaar u Nahay Wada-hadalka Dowladda Dhexe”,

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay Madaxtooyadda Magaaladda Kismaayo ugu sameeyay Xafladd Sagootin aheyd Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Caleema-saarkiisa. Xafladda waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Shariif Axmed Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne-yaashii hore ee Koonfur ...

Read More »

Al-shaabab oo Shaaciyay Qaabka Loo Fuliyay Dilka Gudoomiye Max’med Sugaal Cismaan.

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay Lagu Dilay guddoomiye ku-xigeenkii dhanka amniga gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hirshabelle Ala ha u Naxariistee Max’med Sugaal Cismaan. Sida ay baahisay warbaahinta Shabaab, dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar qorshaysnaa ku qaaday Hoyga Gudoomiyaha,waxayna ku weerareen dhowr Bambaano. ‘Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku dilay Muxumad Sugaal oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka ...

Read More »

Al-shabaab oo Magaaladda Kismaayo Ku Dilay Sarkaal Kasoo Goostay

Kooxo Hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Laamaha amaanka maamulka Jubbaland,sanado ka horna kasoo goostay Al-shabaab. Dilkaan ayaa ka dhacay Gudaha Magaaladda Kismaayo, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaaladdaas. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cumar Daqal oo ku magac dheeraa (Taqiyudiin) wuxuuna la ...

Read More »

Ciidamadda Amaanka Dhuusa-mareeb oo Toogtay Qof Hubaysnaa

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in ciidamadda amaanka Magaaladaas ay toogasho ku dileen ruux hubeysnaa oo doonayay in uu xoog ku galo saldhiga Magaaladaas. Falkaan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, Ciidamadda Ilaalada saldhiga ayaa joojiyay qofka hubeysnaa oo Isku dayay in uu guddaha u galo saldhiga iyadoo Ciidamadda joogay Ilinka hore ee saldhiga ...

Read More »

Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Dilka Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga Shabeelaha Dhexe

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh.Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo Caawa ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha ...

Read More »

Deg Deg:-Guddoomiye Muxumad Cabdi Sugaal oo Caawa Qarax Lagu Dilay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa ku waramaya in qarax Bambaano Caawa Lagu Weeraray hoyga guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe Muxumad Cabdi Sugaal. Weerarkaan waxaa ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Muxumad Cabdi Sugaal iyo wiil uu dhalay. Guriga qaraxa uu ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hirshabeele,iyo ciidamo fara ...

Read More »