Wararka

Galmudug Oo Shaacisay In Doorasho Aysan Dhici Doonin Sanadkaan.

Golaha wasiirada Galmudug ayaa isku raacey Waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Galmudug taasi oo maalmihii danbe hadal heynteeda ay ka jirtay deegaanada Galmudug iyo Villa Soomaalia. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf) iyo Madaxa XukuumadaSheekh Axmed Shaakir ayaa si wada jir ah u iclaamiyey in Doorashooyinka Galmudug ay dhici doonaan 2021-ka,taasi oo ka dhigan in Madaxweyne Xaaf ...

Read More »

Madaxweyne Xaaf oo Shir Gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiiradda Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa ka qeyb galay kulanka todobaad-laha ah ee Golaha wasiirada Dawlad Goboleedka Galmudug Kulanka ayaa Golaha Wasiirada oo uu fadhiyay Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa intiisa badan looga halday, 1.Dhaqaalaha Dawlada Goboleedka Galmudug 2:Jiheynta Siyaasada Galmudug 3:Dardargalinta Golaha Wasiirada Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxa ...

Read More »

Faah-faahin:-Ciidamo Maanta Ku Dagaalamay Magaaladda Muqdisho

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay isgoyska Sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid, Karaan iyo Shibis ee Gobolka Banaadir. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal iska hor imaadkaan ayaa ka dhashay muran soo kala dhexgalay ciidamo ay u xirneyd ...

Read More »

Madaxda Soomali iyo Jabuuti oo Wadahadalo Ku Yeesay Muqdisho+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan ...

Read More »

Madaxweyne Ismaacaill Cumar Geelle oo Magaaladda Muqdisho Soo Gaaray+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ...

Read More »

Nin Lagu Tuhunsan Yahay Weerarkii New Zealand oo Maxkamad Lasoo Taagay

Ninka sida wayn loogu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand ee 49-ka qof lagu dilay ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil. Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan. Raysul Wasaaraha dalkaas Jacinda ...

Read More »

DFS oo Laga Dalbaday Inaysan Faragelin Ku Sameynin Doorashada JL+Dhageyso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dalbaday in aysan faragalin ku sameynin doorashadda Jubbaland ka dhacaysa. Nabadoon Idiris Shiikh Maxamed oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqisho ayaa ka digay rabshado ka dhaca Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose,si lamid ah tii Magaaladda baydhabo ka dhacday. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay tanasul,islamarkaana ...

Read More »