Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn ugu bogaadiyay ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sida ay u xaqiijiyeen amniga Caasimadda.
Xamse Cabdi Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin oo xilal ka haya dalka iney suurad xumeeyaan amniga Muqdisho oo uu xusay in haatan uu yahay mid aad u wanaagsan.
”Ciidamada ammaanka ee sugaya amniga Muwaadiniinta waan bogaadinayaa, waxaana ka raali galineynaa hadalada aan habooneyn ee ka soo yeeray dad Masuuliyiin ah oo dalkaan xilal ka haya, ciidamadu waxay sugeen oo ay xaqiijiyeen amniga 20-ka degmo ee Muqdisho oo Caawa aan si nabad galyo ah neecaaw qabo ku dareemeyno, waana in loo mahad celiya ee maahan in hadalo aan habooneyn la tiraahdo” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

