Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Qaabilay Feeryahan Ramla Cali

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Marwo Ramla Cali, oo si weyn ugu caan baxday ciyaaraha feerka heer caalami, isla markaana ku meteshay magaca iyo calanka Soomaaliya meelo badan oo dunida ah.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay Ramla Cali ka qaadatay kobcinta magaca Soomaaliya ee caalamka, gaar ahaan dhinaca ciyaaraha iyo isboortiga, Madaxweynaha ayaa xusay in Ramla Cali ay tahay tusaale wanaagsan oo dhiirrigelin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, kuwaas oo ay u furtay albaabo cusub oo ay kaga qayb qaadan karaan ciyaaraha caalamiga ah.

“Ramla Cali waa astaan muujinaysa dadaal, adkeysi, iyo waddaninimo, Waxaa sharaf weyn noo ah in ay magaca Soomaaliya ku metasho masraxyada caalamiga ah, Waa tusaale ay ku dayan karaan jiilasha cusub,” ayuu yiri Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here