Fiqi “Weerarkii Jilicow wuxuu ahaa mid Shabaab ku qarinayeen guul darooyin

0

Wasiirka Wasaararda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay guulaha ciidanka xoogga dalka kasoo hoyeen howlgalada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo weerarkii kooxdu ka geystay godka Jilicow.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidanka dowladdu ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda Al-shabaab looga xureeyay deegaanada kala ah Awdhiigle, Bariire, Sabiib, Canoole iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Fiqi in howlgaladan loogu magac daray duufaanta aamusan ay qeyb ka yihiin dadaalo balaaran oo lagu xoreynayo dhamaan dhulka ay gacanta ku hayaaan Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here