Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen eedeymo culus ugu jeediyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Qoraalkan ay soo saareen Xildhibaanada Golaha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu ku kacay ku takrifal awoodeed iyo jabinta shuruucdii dalka u taalay.
Waxa sidoo kale Xildhibaanadu tilmaameen in madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iney isku kaashadeen wiiqista madaxbanaanida Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

