Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Puntland in ay weerar kusoo qaadeen degmada Boocame ee gobolka Sool.
War ka soo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in iska hor imaad galabta ka dhacay Boocame uu sababay dhaawacyo, iyagoo ku eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland inay weerar ku soo qaadeen degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Boocame, Mahdi Rashaad, ayaa sheegay in ujeedada iska hor imaadka ay ahayd “in qalqal amni laga abuuro magaalada Boocame,” sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, maamulka Puntland weli kama uusan hadlin eedeynta uga timid Waqooyi Bari. Boocame waa degmada uu kasoo jeedo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, kaas oo horey u sheegay inay qayb ka tahay Puntland.

