Maraykanka oo sheegay inuu duqeeyay goob ay ku dhuumaaleysanayeen Madaxda Daacish

0

Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlgal laba toddobaad socday oo dhammaaday 23-kii Agoosto 2025, kaasoo uu ka fuliyay gudaha Puntland.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymadu lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade.

Hawlgallada ayaa si gaar ah loogu jihaystay meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen hoggaamiyeyaasha kooxda Daacish.

Taliyaha AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, ayaa ku tilmaamay duqeymahan go’aanka iyo ballanqaadka Maraykanka ee ku aaddan sugidda amniga shacabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here