Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la dhameystiray dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya (Somalia Meteorological Agency) uu marayo heerkii ugu dambeeyay, isla markaana ay haatan hortaal Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo. Intii lagu guda jiray Shirweynaha Cimilada Afrika (Africa Climate Summit).
Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in hay’addan cusub loo dhisay si ay ula jaanqaado habraacyada iyo nidaamyada hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Hey’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (World Meteorological Organization – WMO).
Tani waxay Soomaaliya u suuragelin doontaa inay hesho xog sax ah oo cimilada la xiriirta, taas oo muhiim u ah qorsheynta, digniinta degdegga ah, iyo la tacaalida xaaladaha degdegga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.
Hay’addan ayaa lagu wadaa inay noqoto tiir muhiim u ah dadaallada dalka ee la xiriira La socodka isbedelka cimilada, Digniinaha degdegga ah ee roobabka iyo duufaannada, Taageeridda beeraleyda iyo kalluumeysatada iyo Ka qaybgalka barnaamijyada caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka

