Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Masar inay tababar u soo xirtay ciidamo ay u soo direyso Soomaaliya oo ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadan ay dhawaan imaanayaan gudaha dalka, si ay uga qeyb qaataan howgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay in ciidamo ka socda dowladda Masar iney ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSSOM.
“Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

