Wararka

War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Holwadaag

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho. Qaraxaan ayaa ka dhacay Degmadda Holwadaag gaar ahaan agagaarka Masjidka Macalin Biya maalow oo ku yaala Degmadda. Goobjooge ayaa inoo sheegay in miinadda ay dhulka ku aasneed,islmarkaana ay qaraxday,waxaana goobta ku yaala Goobo Ganacsi oo u badan maqaayado laga cunteeyo. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku ...

Read More »

Shirka Golayaasha Sharcidajinta oo Maanta Ka Furmaya Magaaladda Garoowe

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmaya shirka Golayaasha Sharcidajinta Dowladda Dhexe iyo Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira. Shirkaan waxaa ka qeyb galaya gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamulada, Jubbaland , Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hr-Shabeelle,balse waxaa shirka ka maqan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee ...

Read More »

Axmed Madoobe:-“Dastuurka Wuxuu Noqday Mashruuc aan Dhamaan”,+Dhageyso

Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),ayaa sheegay in dastuurka dalka oo aan heshiis dhab ah laga gaarin  uu qeyb ka yahay  jahwareerka dalka ka jira. Isagoo ka qeyb galayay shirka arrimaha Dastuurka  oo ka furmay Magaaladda Kismaayo ayuu sheegay in dastuurka uu yahay wax dad ku heshiiyay oo bulsho ku dhaqanto, balse dastuurka qabyada uu weli yahay mashruuc ...

Read More »

Howlgal Xalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho iyo Duleedkeeda

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho. Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa ka dhacay Xaafado kamid ah Degmooyinka Hodan,Warta-nabadda, iyo Holwadaag ee Gobolka Banaadir,waxaana inta uu howlgalka socday lagu qab-qabtay dad loo shakisan yahay amnidaradda ka jirta Magaalada. Dhanka kale Ciidamadda Dowladda ayaa ...

Read More »

Yariisow:-“Wixii Sabtidii Baarlamaanka Ka Dhacay Kama Dhaceyn Haddii………..

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa  mar kale weerar afka ah ku qaday Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Dowladda kasoo horjeeda. Waxa uu sheegay in  hadii Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta ay ka qeyb gali lahaayeen Maalintii jimcihii orodkii Gaabnaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho inaysan dhici laheyn waxii ka dhacay Sabtidii xarunta baarlamaanka. Sidoo ...

Read More »

Ciidamadda Dowladda oo Galabta Howlgal Ka Fuliyay Masjidka Abuu Hureyra

Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta howlgal saacado badan qaatay ka fuliyay gudaha Suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho. Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyay Masjidka Abuu Hureyra oo kamid ah Masaajida ugu caansan Suuqa Bakaaraha. Ciidamadda ayaa xiray duhurnimadii maanta Wadada Koowaad iyo Wadada labaad ee Suuqa bakaaraha,waxaana howlgalka Masaajidka laga fuliyay ...

Read More »