Maraykanka oo Loo Soo Jeediyay in Ay Xafiis Dibulumaasiyadeed Ka Furato Hargaysa

0

Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada Maraykanka u Qaabilsan Ka Hortagga Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha, ayaa soo jeedisay in Maraykanku uu xafiis dibulumaasiyadeed ka furto Somaliland, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee gobolka.

Guddida ayaa soo jeedisay in Maraykanku uu xidhiidh toos ah la sameeyo Somaliland, maaddaama oo ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo ilaa hadda aanu Shiinuhu soo gaadhin, laakiin laga yaabo inuu saamayn ku yeesho.

“Tallaabadani waa mid muhiim u ah horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, iyo ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha,” ayaa lagu yidhi warqad uu golaha la wadaagay Guddoomiyaha Guddida, John Moolenaar, oo 15-ka bishan loo akhriyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken.

Guddidu waxay sheegtay in haddii uu Maraykanku Somaliland si dhakhso ah ula shaqayn waayo, ay suuragal tahay inuu Shiinuhu danaha Somaliland fuliyo, taasina ay keento inuu isagu awood ku yeesho gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here