Wararka

War Deg Deg:-3-ruux oo Goordhaweyd Lagu Dilay Muqdisho

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ku dilay 3-ruux. Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir. 3-ruux ayaa hubeysnaa waxayna israsaaseyn ay dhexmartay iyaga iyo ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Seybiyaano. Sida wararku sheegayaan, Rag hubeysan oo gaari nooca raaxada watay, ayaa isku dayay iney xoog kaga soo tilaabaan bar Ciidamada ...

Read More »

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari ku xirnaa oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho. Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Digfeer Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir. Ciidamada Amniga, gaar ahaan ciidanka Policeka Gobolka Banaadir, ayaa ka hortagay Qaraxa. Gaariga ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu soo dhaafo mid kamid ah Jidadka Xiran balse uu ka gudbi ...

Read More »

War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Gaari ku xirnaa ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Digfeer Degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga qarxay ayaa meesha la soo dhigay subaxnimadii hore ee saakay,waxaana wadadda xiray Ciidamadda amaanka Dowlada Soomaaliya oo ka shakiyay,waxayna ka ...

Read More »

Akhriso:-Madaxweynaha Puntland oo Agaasimayaal Cusub Magacaabay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka  Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka ...

Read More »

Al Shabaab oo Dil Ku Fuliyay 3-askar oo ka Tirsanaa Dowladda iyo Haweeney

Al-shabaab ayaa Xukun dil ahaa ku fuliyay askar ka tirsaneyd Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,Haweeney ay sheegeen in basaas u aheyd kenya iyo Nin horey guur usoo maray balse Zino galay. Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala degmada Jamaame ee Jubbada Hoose. 1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir wuxuu katirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho balse xoogagga Al ...

Read More »

Gaalkacyo:-“Haweeney Iska Dhigi Jirtay Nin, oo Qabtay Labo Haween oo Lasoo Bandhigay”,

Ciidamadda Booliska Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Haweenay iska dhigi jirtay nin oo muddo qabtay laba haween ah. Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdulaahi ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska magaaladda Gaalkacyo. Booliska Magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegay in Haweeneydaan ay wadatay Bistooladd iyo qalabka dumarka ay u isticmaali jirtay. Sidoo kale waxa ay ...

Read More »

Lafta-gareen oo Saraakiisha KGS Kala Hadlay Dib u Qabsashada Tiyeeqlow

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan Magaaladda Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa xalay kulan la qaatay saraakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xureynta deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan Gobolkaasi iyo sidii ciidamadda AMISOM ay kaalintooda uga qaadan ...

Read More »

Mucaawisley oo Sheegtay in ay Dhaawaceen Shiikh Yuusuf (Kaba ku tukade)+Dhageyso

Wararka ka imaanaya Degmadda Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in deegaan hoos taga degmadaasi ay ku wada dagaalameen Xarakadda Al-shabaab Iyo kooxda Macawiisleyda. Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda macawiisleyda loo yaqaano ay weerar ku qaadeen deegaanka hoos taga degmada Buuloburde halkaasi ay ka socotay xafladd Caleemo saar ah. Uga yaraan 5 Qof oo labada dhinac ah ...

Read More »