Wararka Idaacada Simba ay ka heleyso degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in xalay Xoogag katirsan Al shabaab ay gudaha u galeen degmadaasi.
Al shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Balad-xaawo, waxeyna halkaasi ku dileen 2 dhalinyaro ahaa iyo nabadoon caan ka ahaa gudaha degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.
Dhanka kale dagaal ayaa dhax maray ciidamada maamulka oo garab ka helaya kuwa dowladda dhaxe iyo Dagaalyahano katirsan Xarakada Al shabaab oo xalay weerar ku qaaday halkaasi.
Mamulka degmada Balad-xaawo oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ah ka bixiyaan, 3 qof oo lagu dhax dilay degmada iyo dagaalka halkaasi ka dhacay.
Dhanka kale wali majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha howlgalada Al shabaab oo la xiriira weerar xalay lagu qaaday degmadaasi, iyo Nabadoonka la sheegay in lagu gowracay magaaladaasi.

