Xildhibaan saciid warsame oo ka mid ah golaha wakiilada Soomaaliland ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan qaabkii shirkadda DP-world ula wareegtay dekadda magaalada Ber-bera Jamhuuriyada Iskeed isku Ictiraaftay ee Soomaaliland.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in marka horeba ka xildhibaan ahaan uusan ka warqabin waqti ay DP-world la wareegtay dekadda Ber-bera, balse taa badalkeed waxa uu hoosta ka xariiqay in kolkii hore xildhibaanada lagu war-geliyey in imaraadku qayb ku yeelan doono saamiga dekadda lakin xildhibaanku waxa uu sheegay in hadda wax badan isbadeleen gebi ay DP-world ay la wareegtay dekadaasi.
Sidoo kale xildhibaan saciid waxa uu carabka ku dhuftay in shirkadda dpworld ay qashin iyo sun isku darsan ay ku aastay dekadda Ber-bera, weliba iyada oo ay xaadir yihiin mas’uuliyiinta Soomaaliland.
Maayarka magaalada ber-bera ee soomaliland ayuu sheegay in uu goob-joog ka ahaa waqtii la aasayey qashinka xattaa isugu waxa ka aasay sunta sida uu sheegay xildhibaan saciid.
Dhageyso: Codka Xildhibaan Saciid Warsame

