Wararkii ugu danbeeyay dagaal xoogan oo saakay ka socda deegaanka Gandershe ee dhaca dhulka xeebta ah ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Marka ee gobalka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xoogag katirsan Al shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Gandershe, halkaasina wali uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Xarakada Al shabaab oo weerarka qaaday iyo kuwa Xooga Soomaaliya.
Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay in dagaalka wali uu yahay mid soconaya,balse waxuu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Sh/Hoose iyo Saraakiisha Al shabaab.
Waxii Kusoo Kordha Goordhaw Kala Soco
Barta Rasmiga Facebook: Radio Simba

