Dhageyso: Dowladda Soomaaliya Ma Joojisay Mise Faragelinta Doorshada Koofur Galbeed

0
Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

 

Waxaa xalay lagu dhawaaqay Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed,iyada oo waxka yar todobaad ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa shaaciyay in  diiwan galinta musharaxiinta ay bilaabaneyso  22- Bishaan kuna egtahay 23 bishaan.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in hadal jeedinta musharaxiinta ay tahay  25 bishan.

Doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa la filayaa inay dhacdo 28 Bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.

Dhanka kale tan iyo shalay waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf hor leh uu ka dhex abuurmay guddiga doorashada dhexdooda, kadib markii ay dowldu gudiga doorashooyinka hordhigtay qodobo hor leh oo ay ku daraan habraaca doorashada maamulkaasi.

Waxayna taasi keentay inay gudiga ka horyimaadaan dalabka dowlada, maadaama loo arkay inay qodobadaasi halis ku yihiin u tartamida doorasho qaarkamid ah musharixiinta, Sida uu idaacada Simba u xaqiijiyay Xildhibaan Siidow Aadan Abaadir oo kamid ahaa xildhiibanadii fadaraalka baarlamaankii 9-aad.

Wuxuuna dowlada ugu baaqay inay fara galinta ka deyso arimaha doorashooyinka oo ay uga dambeyso gudiga doorashooyinka maamulkaasi koofur galbeed.

Dad badan ayaa kawalaacsanaa inay markale dib u dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulka K/Galbeed kadib cadaadis xoog leh ee gudiga soo foodsaaray, inkastoo uu haatan u muuqdo mid ay ka gudbeen hadii ay mar ku dhawaaqeen jadwalkooda doorashada dowladana ay u muuqato inay ku hungowday codsigeeda

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed  ayaa la qorsheeyay in 28ka bishan November ay dhacdo sida ku cad jadwalka uu gudiga doorashooyinka xalay Baydhaba ka soo saaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here