DEG DEG: Kooxo Hubeysan Oo Toogtay Axmed Dalaqo Iyo 2 Qof La Socotay

0

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysay gudaha magaaladaasi iney ku toogteen saddex ruux uu mid Xasaabiye shirkad ahaa.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa bartamaha Boosaaso ku dilay Axmed Cali Nuur Dalaqo oo ahaa Xisaabiyaha Guud ee ee Shirkadda Ganacsiga ee Saabir, waxaa sido kale la dhaawacay laba ruux kale.

Goobjooge ku sugan bartamaha Boosaaso oo la hadlay Idaacada Simba ayaa yiri.

“Saddex ruux ayaa magaalada lagu toogtay laba waa dhaawac midna waa uu dhintay, dadka la weeraray ayaa ahaa kuwa isla socda xiliga toogashada ay dhaceysay”, ayuu yiri goobjoogahaasi.

Saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa gaaray goobta Toogashada ay ka dhacday, kuwaa oo halkaasi ka qaaday meydka Axmed Cali Nuur Dalaqo iyo labada ruux kale ee lala dhaawacay Xisaabiyahaasi.

Maamulka degmada oo Simba xiriirtay ayaa suura galin, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada.

Xarakada Al shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar lagu dhaawacay sarkaal katirsan Puntland, oo xalay raga fuliya weerarada qarsoon ee Al shabaab ku weerareen magaalada Boosaaso ee gobalka bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here