Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa lagu eedeeyay iney ku fashilmeen sugida amniga magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Korneel Cabdi Aadan Bare oo ah khabiir dhanka Amniga oo la hadlay Idaacada Simba ee M-M ayaa ka hadlay xaalada guud ee amniga magaalada muqdisho, iyo iney jiraan gudoomiyaal degmo oo cabsi darteed habeenkii aan seexan karin xarumaha degmadaasi sababa baqdin ay ka qabaan weeraro.
Dhanka kale Korneel Cabdi Aadan Bare oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax is badal ah aysan keeni karin in saraakiil ciidamo la badalo kuwa kalana lasoo magacaaabo, sida hadalka uu u dhigay Korneelka.
Dhageyso: Codka Korneel Cabdi Aadan Bare Oo Ah Khabiir Dhanka Amniga

