Dhageyso: Ogow Cida Dhax Dhaxaadineysa Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Gobalka Gedo

0

Nabadoon Idiris oo kamid ah Wax garadka gobalka Gedo oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ka war bixiyay amar dhawaan uu maamulka gobalka gedo kusoo rogay xaasaska iyo Caruurta Al shabaab  iney iskaga baxaan gudaha magaalada Baladxaawo ee gobalkaasi.

Masuuliyiinta magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxa ciidamada Al Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada kadib markii ay ku eedeeyeen Al Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaaladaasi.

Nabadoon Idiris oo sii hadlayay ayaa sheegay iney u istaagayaan in la dhax dhaxaadiyo saraakiisha  Xoogaga Al shabaab iyo madaxda gobalka Gedo si looga hor tago Al shabaab iney sameyaan aargoosi.

Dhageyso Nabadoon Idiris Oo La Hadlay Idaacada Simba

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here