Golaha amaanka ee Q-M ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Newyork ee waddanka Mareykanka, ugu codeeyay in la kordhiyo muddada cunaqabateynta saaran Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay jabisay Cunaqabateynta hubka ee Saaraan, xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ay ugu jirto sidii looga qaadi lahaa Cunaqabateyntaasi, Maadaama ay dagaal xoogan kula jirto garabka Xoogaga Alqaacidda Soomaliya ee AlShabaab.
Kooxdii Golaha Ammaanka u qaabilsanaa Cunaqabateynta Saaraan Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, sida lagu cadeeyay kulankaasi ka dhacay Magaalada Newyork.
Dhanka kale Kooxda ayaa sheegtay in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha in la geeyey gudaha Madaxtooyadda bishii May 2018 ee sanadkan, islamarkaana loo diiday in ay Baaraan hubkaasi.
Waxaana ay intaas ku dareen in hub ay leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya uu gacanta u galay ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.
Kordhinta muddada Cunaqabateyntan ayaa la xiriirta Hubka iyo Dhuxusha Soomaaliya,waxaana Goluhu ku kordhiyay muddo hal sano ah.
Arrintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo Golaha amaanka uu guddi gaar ah oo loo bixiyay Panel of Experts u sameeyay Soomaaliya kaddib markii la kala diray Guddigii dabagalka cunaqabateynta ee Soomaaliya iyo Eritrea oo shalay laga qaaday cunaqabateyn la saaray 2009-kii.

