Korneel Cali Yacquub Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka gedo ayaa daliil culus u jeediyay madaxweynaha maamulka gobaleedka Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe.
Korneelka ayaa sheegay Axmed madoobe inuu caburin xoogan ku hayo saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gedo, sido kale-na ku eedeeyay inuu yahay Axmed Madoobe kaligii taliye dhiigyo cab ah.
Dhanka kale Korneel Cali oo sii hadlayay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islam aan lagu dooranin sifo shari ah oo uu yahay mid isaga is doortay, sida hadalka uu u dhigay Korneelka.
Dhageyso: Codka Korneel Cali Yacquub Oo Kamid Ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Ee Gedo

