Wararkii Ugu Danbeeyay Cismaan Yuusuf Ciiley Oo Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

0

Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley ayaa xalay lagu dilay Xaafada Howl wadaag ee Magalada Baladweyne.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa ka danbeeyay dilka Nabadoonka, kuwaa oo xalay abaaro salaadii cisho ku dilay gudaha magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan.

Laamaha amaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaa oo baaritaano xoogan ka sameeyay xaafado katirsan degmada, sida ay idaacada Simba uu u Xaqiijiyay sarkaal katirsan ciidamada dowladda.

Marxuum Ex Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley ayaa caan ka ahaa gudaha magaalada Baladweyne, waxaana saakay laga dareemaya magaalada u diyaar garowga aaskiisa.

Dhanka kale Saakay ciidamada amaanka Baladweyne ayaa lagu arkayaa wadooyinka degmada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here