Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo goordhaweyd gudaha suuqa siinaay ee magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ku dilay ruux kamid ahaa ganacsatada Suuqaasi.
Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Xarqaanle goob ganacsi ku lahaa suuqa Siinaay ee u dhaxeeya degmooyinka Warta nabada iyo degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.
Kooxahii ka danbeeyay dilka ayaa la sheegay iney isaga baxsadeen goobta dilkaasi ay ka geysteen, oo markii danbe ay soo gaareen ciidamo katirsan dowladda oo goobta ka qaaday ruuxa la dilay.
Maamulka degmada Warta Nabada oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa ka gaabsaday iney inooga warbixiyaan ruuxa la dilay, iyo sababa ka danbeeyay dilka ninka Xarqaan laha ahaa.
Majirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada ruuxa lagu dhax dilay bartama suuqa Siinaay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in aaga uu dilka ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo goobta ka wada baaritaano la xiriira helista cida ka danbeysay dilka ninka xarqaan laha ahaa ee maanta lagu dilay gudaha Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
Waxii Kusoo Kordha Kala Soco www.simbanews.net ama .com

