Madaxweyne Gaas Oo Shaqada Ka Eryay Xubno Ka Tirsan Golahiisa (Akhriso)

0

Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn ku Sameeyay Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo. Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Puntland Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha Wasaaraddaha Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo

waraabka.

  1. Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo

waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

  1. Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo

magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.

  1. Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka

xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay

Madaxweynuhu.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here