Kulanka dhex maray Wasiir difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo saraakiisha howlgalka midowga Yurub ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay dardargelinta howlaha tabbarada ee Midowga Yurub ee siiyo ciidanka xoogga dalka.
Saraakiishan ka tirsan Midowga Yurub gaar ahaan qeybta tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee loo yaqaaano EUTMS EUROPEAN UNION TRAINING MISSION OF SOMALIA, ayaa wasiirka gaashaandhiga dalka u sharxey halka uu marayo howlaha tabbabarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe), ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee dagaalka kala hor jeeda Alqaacidda Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa ka codsaday Howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka Soomaaliya in ay labo laabaan howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale la wadaagay qorshaha cusub ee uu doonayo in lagu hago dhabbaha loo marayo tayeynta ciidanka xoogga dalka, maadaama uu dhowaan xilkaas uu qabtay.
Kormeerka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda iyo howl wadeeno kale oo ka tirsan wasaaradda.






