Xildhibaan C/Qaadir Faarax Shuutaale oo la hadlay barnaamijka Bartilmaameedka ee ka baxa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waalaac ka muujiyay amniga sii xumaanaya ee ka tagan wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balacd kaas oo 5-ta bishan Talaadadii la soo dahaafay lagu dilay sarakiil ciidan iyo Xildhibaano katirsan maamulka Hirshabeelle kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaanadaasi la dilay iyo ciidamo galbinayey.
Xildhibaanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya amni xumida ka jirta wadadaasi maadaama inta badan xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ay usoo safraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Xildhibaan C/Qaadir Faarax Shuutaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in habacsanaan dhanka ammaanka ah ay xilligaan ka jirto gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, balse uu sheegay inaan qofna lagu eedeyn karinin amni xumada wada hayeeshee uu tilmaamay iney muhiim tahay in laga taxadaro weerarada Xoogaga Al-shabaab lana qaado talaabooyin degdeg ah.
Weerarkii lagu bartilmaameedsaday labada xildhiban gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Raage Ceelle saraakiil iyo askartii galbineysay masuuliyiintaasi ayaa ka dhacay meel dhinaca waqooyi kaga beeggan Balcad. Xarakada Al-Shabaab ayaana sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay.
Dhageyso:- Codka Xildhibaan C/Qaadir Faarax Shuutaale Oo La Hadlay Simba

