Siyaasiga C/risaaq Maxamed Dalmar oo ka falooda arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay inay adagtahay in go,aamada hoogaamiyeyaasha Soomaalida ay ka gaareen shirarka ay yeshaan aysan waxba kasoo naasa cadaaneynin, maadama uu shegay in wadanka ay kusuganyihiin ciidamo ajaaniib ah siyaasadana ay faraha ku la jiraan qaar kamid ah dowladaha shisheeye .
Dalmar ayaa xusay inaysan wax micno ah ku fadhin in madaxda qaranka iyo kuwa dowlda goboleedyada in ay hal madal ku shiraan oo ay warqad xar xariiqaan oo ay warmrtiyeed kulan kooda ka soo saraan ay fududahay, balse ay adagtahay in la dhaqangaliyo qodobada lagu heshiiyeeyay
Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ayaa 5 bishan lagu soo gabagabeeyay shirka golaha amniga qaranka waxaana shirkaasi ka qeybgalay madaxada maamul goboleedyada Soomaaliya iyo kuwa dowladda dhexe ee federaalka.
Halka Hoose Ka Dhageyso: Codka Siyaasi C/Risaaq Maxamed Dalmar

