Somaliland Oo Si Aan Laga Fileyn Uga Hadashay Hal Milyan Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Deeqday (Dhageyso)
Somaaliland ayaa war ka soo saartay lacag hal Milyan ah oo dhawaan dowladda Somaaliya ay ugu deeqday Somaaliland si wax looga qabto saameyntii uu reebay roobabkii duufaanada watay ee ku dhuftay deegaano iyo degmooyin katirsan Gobalada Soomaaliland.
Wasiirka arimaha dibada Somaaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay, lacagtii dhawaan dowladda Soomaaliya ay u balan qaaday Somaaliland si wax looga qabto roobaab dabelylo duufaan watay oo dadka iyo duunyada sameyn ku yeeshay oo ka da’ay deeganada Somaliland.
Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan cid walbaa oo garab ka siineysa samata bixinta ama gargaarka dadka dhibaatada ay kasoo gaartay roobaabkii duufaanta watay ee ku dhuftay halkaasi.
Dhageyso:- Codka Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire

