Ciidanka sida gaarka ah u tababaran Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.
Taliska ciidamada gaarka ee Danab ayaa sheegay goobaha ay ka fuliyeen Howlgalka iney kamid yihiin Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-shabaab.
Warka kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in lagu bur buriyay gooba ay ku sugnayeen ciidanka Xarakada Al-shabaab u xilsaaran gobalada Jubbooyinka gaar ahaan deegaanada howlgalka uu ka dhacay.
Howlgalka ayaa sido kale la sheegay in gacanta lagu soo dhigay 20 qof oo la xiriirinayo inay kamid tirsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka.
Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka general Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka kumaandooska Danab oo gacan ka helaya ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo inta badan fuliya howlgalada Soomaaliya.
Shalay waxaa deegaano katirsan Gobolada Jubbooyinka ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya ciidank gaarka mareykanka ee ka howlgala deegaano iyo degmooyin katisan Soomaaliya, oo inta badan weerara ku qaada Xarumaha Al-shabaab.

