Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khyre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaaladda D-Jabuuti ee dalka Jabuuti , waxaana goroonka diyaaradaha ee dalkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa la qorsheeyaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maanta kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee labada dal.

