War Deg Deg Ah:- Dagaal Ka Socdo Duleedka Baydhabo

0

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo sakay ka socda deegaano duleedka kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii xoogag katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada Maamulka koofur galbeed Soomaaliya ay ku leeyihiin  inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunaay ee isla gobalkaasi Baay.

Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney maqlayeen rasaas xoogan oo ka dhaceysa wadada isku xirta magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunaay  oo ka wada tirsan gobalka Baay, balse aysan Xaqiiji karin cida weerarka uu u dhaxeeyo iyo khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dirirtu dhax mareyso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday saldhig militari oo ciidanka maamulka Koofur galbeed ay ku leeyihiin deegaanka deynuunaay ee gobalka Baay, inkastoo dagaalka uu wali yahay mid soconaya lama ogaan karo khasaaraha rasmiga ee ka dashay iyo cida ku gacan sareysa dagaalka socda.

Al-shabaab ayaa baraha internetka ee Lagu taageero waxa ay ku baahiyeen iney la wareegeen saldhig military oo ciidanka koofur galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25 KM dhanka Bari uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka koofur Galbeed.

Wali lama xaqiijin karo cida rasmiga ee gacanta ku heysa deegaanka dagaalka uu ka socdo, iyo khasaaraha hor dhaca ah ee ka dhashay dagaalka wali ka socda duleedka magaalada Baydhabo.

Waxii Kusoo Kordha Dagaalka Kala Soco WWW.simbanews.net

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here