Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha kasoo gaaray ciimadamada Booliska kenya qarax xoogan oo lagu bur buriyay gaari ay saarnayeen saraakiil katirsan ciidamada Booliska Kenya.
Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibada ayaa qabab kala duwan uga hadlayay saraakiishii ciidamada Kenya uga dhimatay qaraxa miino ee ka dhacay deegaanka Libooya ee dhulka somaalida ee Kenya.
Sawiro lagu baahiyay warbaahinta gudaha Kenya ayaa muujinaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa miino ee saraakiisha booliska Kenya lagula eegtay xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.
Inta la xaqiijiyay kol hore saraakiisha ku dhimatay qarax ayaa gaarayay ku dhawaad 10, inkasto wararkaasi aysan aheen kuwa fadhiya, ayaa waxaa gadaal kasoo baxay in uu khasaaraha inta ka badan sida lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta gudaha dalka Kenya.
war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay 25 askari oo katirsan ciidamada Kenya “Qarax lala beegsaday ciidamada Kenya oo ka dhacay inta udhaxeysa Libooya iyo Dhoobleey waxaa ku dhintay 25 askari, sedax askari oo qaraxa ka badbaaday ciidamada gaarka Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dagaalyahanada Al Shabaab.
Daawo Sawirada Qaraxii Ka Dhacay Deegaanka Libooya






