DEG DEG:- Qarax Lagu Dilay Askar Laguna Burburiyay Gaari Dagaal oo ka Dhacay Jubbada Hoose

0

War goordhaw soo gaaray war qabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Kenya oo marayay inta u dhaxeysa degmada Dhoobley iyo Libooyo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa lala eegtay kolonyada ciidanka Kenya ee marayay duleedka degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyay hordhaca weerarka qaraxa miino khasaaraha ka dhashay ayaa sheegaya in ugu yaraan shan sarkaal oo kenyaan ah lagu dilay halka lagu waxyeeleeyay gaari dagaal oo ay isticmaalayeen ciidanka Kenya ee kula kulmay qaraxa miino xuduud beenaadka labada dal Soomaaliya iyo Kenya ay wadagaan.

Gudoomiye ku xigeenka degmada dhadhaab haruun kamau oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu dilay 5 katirsanaa saraakiisha ciidanka Booliska Kenya oo uu kamid ahaa sarkal qaabilsanaa dhanka adeega ciidanka Kenya ee ka howlgala deegaanada dhulka Soomaalida ee Kenya ay maamusho.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa miino ee ay la kulmeen ciidanka Kenya,balse inta badan qaraxyada ceynkan oo kala ah ayaa looga bartay iney ku weeraran ciidanka Kenya Xarakada Al-shabaab.

Waxii Kusoo Kordha Qaraxa Khasaaraha Dhaliyay Kala Soco www.simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here