Sawirro:- Meydadka Xildhibaano Iyo Gudoomiye ku Xigeenkii Raaga Ceelle Oo La Aasay

0

Waxaa maanta aas loogu sameeyay magaalada Jowhar laba xildhibaan iyo gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Raaga Ceelle oo shalay Xoogag katirsan Al-shabaab ay ku dileen gobalka shabeellaha dhaxe.

Qabuuro ku yaal magaalada Jowhar ayaa lagu aasay meydadka labada xildhibaan iyo gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Raaga Ceelle, waxaana kasoo qeyb galay aaska marxuumiintaas, masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi wasiiro  saraakiil ciidan, iyo xubno katirsan maamulka Hirshabeelle iyo ehelada marxuumiinta shalay la dilay.

Weerar shalay ka dhacay Inta u dhaxeysa Balcad iyo Qalimoow ee Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa lagu dilay Xildhibaan Daahir Mukhtaar Cabdulle Xildhibaan Ismaacil Muumin Hilowle iyo Muuse Afweyne Guddoomiye ku xigeenkii Raage Ceelle ee gobalka shabeellaha dhaxe.

War kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay Idaacada Andalus ayaa ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada weerar dhaba gal ahaa oo lagu dilay xildhibaano iyo masuuliyiin katirsanaa maamulka Hirshabeelle.

Bayaanka Ka Soo Baxay Al-Shabaab Ayaa U Qornaa Sida Hoos Ku Xusan Akhriso

1-Daahir Mukhtaar Cabdulle  Xildhibaan

2- Xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilowle Xildhibaan

3-Muuse Afweyne guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle

“Waxaa kale oo weerarka aan ku dilnay taliyiihii ciidamada ilaalada xildhibaanadaas oo lagu magacaabi jiray Xassan Dhegey islamarkaana ahaa taliyaha gaarka ah ee ciidamada madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, waxaa kale oo goobta ku gubnay, labo gaari oo dagaalkaasi aan ku qabsanay, waxaa la wareegnay dhamaan hubkii ay isticmaalayeen”  ayaa lagu yiri warka kaso baxay Xarakada Al-shabaab.

Halka Hoose Ka Daawo Sawiradda Aaska Loogu Sameeyay Magaalada Jowhar

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here