Faah Faahin:- Dilal Qorsheysan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Xili ay sii kordhayaan dilalka is daba jooga ah ee ka dhacaya gudaha magaalada muqdisho ayaa maanta waxaa lagu dilay mar kale laba ruux oo mid kamid ah uu ahaa nabadoon caan ah.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay  agagaarka Jaamacadda Ummada Xarunta degmada Xamarweyne, halkaasi oo askari katirsan ciidanka dowladda uu ku toogtay wiil bajaajle ahaa, kadib markii la sheegay askariga iyo wiilka bajaajlaha ahaa uu dhax maray muran sababay dhimashada wiilka Bajaajlaha ahaa.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay Askari ka tirsan ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada, uu qeybaha sare ee jirka kala dhacay rasaas wiil darawal ka ahaa mooto Bajaaj.

Dilka labaad ayaa ka dhacay Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan Xaafadda Cali Shire, halkaasi oo kooxo ku hubeysan bastoolado ay rasaas madaxa kala dhaceen Nabadoon Xuseen Geeddi Jimcaale oo kamid ahaa nabadoonada caanka ka ah gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Radio Simba u sheegay in Nabadoon Xuseen Geeddi lagu hor dilay gurigiisa hortiisa, ayna goobta isaga baxsadeen dableydii ka danbeysay dilka  nabadoonka.

Nabadoon Xuseen Geeddi ayaa la sheegay hore inuu usoo noqday Xildhibaan ka tirsanaa mid ka mid ah Baarlamaanadii soo maray dalka Soomaaliya, hadana uu iska ahaa Nabadoon Magaalo Joog ah.

Maamulka degmada Howlwadaag oo warqabadka Simba uu xiriiro la sameeyay ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan dilka Nabadoon Xuseen Geeddi loogu geystay gudaha Degmada Hawlwadaag.

Mudooyinkii ugu danbeeyay gaar ahaan bisha Ramadaan waxaa xoogeystay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here