Bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada gaarka Mareykanka ayaa faah faahin looga bixiyay weerar ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka duleedka magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah ay ka fuliyeen deegaanno qayaas ahaantii 30 Miles dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho,inkastoo aan la sheegin deegaanada howlgalada laga fuliyay.
Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 12 ka tirsanaa Xoogga Alshabaab.
Saraakiil ka tirsan Militariga Mareykan ayaa sheegay in ay gacan taageero ka helayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya,oo heley xogaha ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Xarakada Alshabaab.
Mareykanka ayaa sanadkan gudihiisa Soomaaliya ka fuliyay weerarro qorsheysanaa oo gaarayay ilaa 15 weerar,kuwaasi oo lagu sheegay in khaarijiyay xubno sar sare iyo ciidamo tirsanaa Alshabaab. Inkastoo weeraradaasi qaar kamid lagu laayaya shacab soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Wali majirto cid ka madax banaan Taliska Africa Command oo xaqiiji kara iney duqeyn ku dileen ilaa iyo 12 xubin oo katirsanaa Al-shabaab, dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Xoogaga Al-shabaab oo ku aadan warka kasoo baxay USA ee lagu sheegay in duqeynta lagu dilay rag katirsanaa Al-shabaab.
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa kordhiyay weerarada isugu jira duqeymaha iyo kuwa tooska ah ee ay la bar tilmaameed sadaan goobaha iyo saldhiggyada ay ka howlgalaan faraca Alqaacidda soomaaliya ee Al-shabaab , inkastoo weeraradaasi dhanka cirka ah qaar kamid ah lagu dilay dad rayid ahaa oo ku sugnaa deeegaano iyo degmooyin katirsan gobalka SH/Hoose.

