War Deg Deg:-Labo Askari iyo Labo Shacab ahaa oo Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay labo askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku dileen Gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay bosteejada laga raro gaadiidka aada Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ragga hubeysnaa ayaa askarta ka toogtay qeybaha sare ee jirka,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale waxaa goobta ku geeriyooday labo ruux oo shacab ahaa waxaana ku dhacay xabado baas ahaa oo mid kamid ah qoryaha askarta saarnaa, sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.

Qoriga baaska saarnaa waxaa halka xabado laga rido ku dhagay nin xamaali ahaa oo damcay in uu qaato mid kamid qoryaha askarta la dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here