Dhacdo Naxdin Leh:- Wiil Iyo Aabahiis Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacantaku dhigeen nin hubaysan oo xalay magaaladaasi ku dilay wiil iyo Aabihiisa.

Nin hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland waxa uu ku dilay Aabe iyo Wiil uu dhalay,iyada oo ninkaas dilka geeystay Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

Dilka ayaa ka dhacay banaanka Hotel kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo,macadda sababta, balse wararka ayaa sheegay in  ninka dadkaasi dilay la sheegay in uu ahaa qof maskaxda looga jiray,aabaha ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Saalax oo kamid ahaa culimada magaalada Gaalkacyo.

Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin oo la hadlay Simba ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku hayaan ninka dilka fuliyay gudoomiyaha ayaa sido kale sheegay in ruuxa dilka geystay uu katirsanaa ciidamada,balse waxuu ku sheegay in maskaxiyan uusan aheen askarigaasi mid fadhiya.

Waxaa gudaha maagalada laga hadal hayaa dhacdada dilka wiil iyo aabahii dhalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here