Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal ka Dhacay Duleedka Mahadaay

0

Dagaalyahanada  Al Shabaab ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday kolonyo katirsan ciidamada Burundi oo marayay deegaano katirsan gobalka shabeellaha dhaxe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Cali-Fooldheere oo dhanka Waqooyi Uga beegan degmada Mahadaay ayaa sheegaya in halkaasi ay ku hardameen xoogag  Al-shabaab iyo ciidamo katirsan Amisom.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo Burundi ah oo ka anba baxay Mahadaay kuna sii jeeday degaanka Cali-Fooldheere uu dagaal ku qabsaday duleedka degmada mahadaay ee gobalka sh/dhaxe.

Weerarka kadib Kolonyada ciidama Amisom ayaa la sheegay iney tuurayeen madaafiic aan la garan ilaa iminka khasaaraha ay dhaliyeen iyo halka ay ku garaacayeen intaba.

Maamulka degmada Mahadaay oo Warbaahinta Simba ay la sameysay xiriiro ayaa suura galin.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku bur buriyeen xamuul ah oo kamid ahaa gadiidka ay isticmaalayeen ciidamada Burundi ee weerarka dhaba galka ah la kulmay.

Majirto cid xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-shabaab ee ah iney gadiid dagaalkaasi ku gubeen, maadama dhanka ciidama Amisom uusan jirin war kasoo baxay weerarka ka dhacay duleedka mahaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here