Jawaari oo Shaaciyay Waqtiga Xildhibaanada ay Ka Dooda-yaan Arinta Xuduuda Baladxaawo

0

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogta Golaha, kulanka waxaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah , sida shaqada golaha shacbka ee xayiraada saran dib loogu holwgali lahaa.

Xildhibaanada shirka ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raaceen inuu jiro Sabtida kulanka Baarlamaanka, ajandihiisana laga dhigo doono xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo ee ka dhalatay xuduud beenaadka dowldda kenya ay ka dhiseyso Beled Xaawo.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2 ee Golaha Shacabka, xubnaha Guddiyada joogtada ah, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi iyo Hab dhowrayaasha, sida laga dheehan karay sawirro laga soo qaaday xubnahaasi kulanka kadib.

“Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”.

Waxaa sidoo kale durba ka hor yimid warka kasoo yeeray gudoomiye jawaari iyo xulafadiisa C/wali Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee barlamanka soomaaliya, kaasi oo sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.

Khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta golaha shacabka ayaa waxaa dabada ka riixaya xukuumada uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre, sida laga arkayay kulamo ay ka qeyb galeen wasiirada xukuumada soomaaliya , shirar ay yeesheen xildhibaanada kasoo horjeede gudoomiyaha baarlamaaka Jawaari.

Waxaa sido  kale laga dhuur sugaya sida wax ay noqdaan iyo halka wax ay ku danbeeyaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here