Dibadbaxyo Xoogan oo Maanta ka Dhacaya Magaalada Qaza

0

Taliska Yahuudda ayaa militarigeeda soo dhoobtay xudduuda magaaladda Qaza ka hor dibadbaxyo is xig-xiga oo la qorshaynayo in halkaasi ay maanta ak dhacaan.

Dibadbaxyadani ayaa waxaa ku baaqay kooxda ee Xamas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Qabanqaabiyayaasha dibadbaxyadani ayaa u asteeyay in ay ka dhacaan 5 goobood oo u dhaw xudduuda.

Dibadbaxani ayaa waxaa loogu magacdaray dibadbixii waynaa ee soo laabashada.

Wararka ayaa sheegaya in hal nin oo beeraley ah la dilay mid kalana lagu dhaawacay risaas ay xalay fureen askarta Taliska Yahuudda

Dibadbaxa maanta ayaa waxa lagu xusayaa dilkii 6 qof oo ahaa dibadbaxayaal aan hubaysnayn oo la dilay 1976.

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in dibadbaxyadani ay noqon doonaan kuwa si nabad ah ku dhaca.

Balse saraakiisha Yahuuda ayaa sheegaya in ay rumaysnayihiin in Xamas ays doonayan dibadbax rabshado wadan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here