Wararka aynu ka heleyno gudaha degmada hiliwaa ayaa ku waramaya in saakay dil loogu geystay ruux kamid ahaa dhalinyara ku dhaqan degmadaasi.
Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa rasas la dhacay ruuxaasi dhalinyara ahaa oo la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada aadka u fir fircoon marka loo eego, waqtiyada ay jiraan banaanbaxyada iyo ciyaaraha.
Goobjoogayaal ka ag dhawaa halka dilka uu ka dhacay ayaa Simba u sheegay in la oran jiray Ruuxa sakay lagu dilay hiliwaa Cumar kaa oo ka mid ahaa dhalinyarada caanka ka ah degmadaasi.
Saraakiisha laamaha amniga degmada hiliwaa ayaa Radio Simba u xaqiijiyay dilka ruuxaasi, inkastoo ay diideen waxuu ahaa iyo sababa ka danbeysay dilkiisa hadiii wax ay ka ogyihiin ay inala wadagaan.
Warara kala duwan ayaa kasoo baxaya oo ku aadan dilka ruuxaasi, inkastoo wali aysan jirin sabab cad oo dadka ay sheegayaan kuna aadan dilka ruuxaasi dhalinyarada degmada kamidka ahaa ee sakay la dilay.
Degmada hiliwaa ayaa kamidka ah degmooyinka mararka qaar ay ka dhacaan dilalka loo geysto dhalinyarada degmadaasi, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xili laba todobaad ka hor sidaan oo kale mid kamid ahaa dhalinyarada hiliwaa isaga oo wato moota bajaaj lagu dhax dilay xaafadaha degmadaasi.

