Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo goordhaweyd ka dhacay deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa, inkastoo ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan cida lala eegtay iney khasaara rasmiga ee ka dhashay.
Gudoomiye ku xegeenka deegaanka Lafoole Cabdi maxamed cabdulle oo la hadlay Idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa xaqiijiyay inuu jiro qaraxaasi ismiidaaminta ahaa, inuu ka dhacay agagaarka deegaanka siinka dheer oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray gaariga iney ku rajib naayeen waxyaabaha qarxa, kaa oo markii danbe iskiis u qarxay , sida hadalka uu u dhigay Gudoomiye ku xegeenka deegaanka Lafoole Cabdi maxamed.
Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya cida qaraxa lala eegtay iyo khasaaraha ka dhashay intaba.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi lala bartil maameedsaday ciidamo katirsan dowladda, halka wararka qaar ay sheegayaan in gaarigaasi ismiidaaminta ahaa uu kaligiis iska qarxay.
Waxii idinku soo qaraxaasi ismiidaaminta aha kala soco halkaan WWW.SimbaNews.com
Dhanka kale waxa jira qaraxyo ciidama amisom ay ku qarxiyeen agagaarka deegaanka carbiska, qaraxyadaan ay ciidama Amisom qarxiyeen ayaa la sheegay iney kala yimaadeen Xarunta ugu weyn ee ciidamada Ajaaibta ah ee Soomaaliya jooga ee loo yaqaan Xarunta ( Xalane ) .
Ujeedka ciidama ayaa la sheegay iney aheyd iney kasoo fogeeyaan xaruntooda si uusan waxyeelo ugu geysan madaxda iyo ciidam xarunta ku jira, oo lagu qarxiyo goofaf banaan oo duleedka muqdisha ku yaal.

