Waxaa xalay magaalada muqdisho lagu dilay wiil kamid ahaa dhalinyarada kaxeysa mootada loo yaqaan tuk-tukleyda ama bajaajta ay dadka intooda badan u garanayaaan.
Dilkaan ayaa waxuu xalay ka dhacay laamiga taleex ee wadada xaaji baasto loo yaqaan.
Dilka wiilkaasi ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay askari katirsan ciidamada dowladda soomaaliya, oo markii la weydiyay sababta uu u dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa,ku sheegay inuu sameeyay amar diido.
Maamulka degmada hodan oo xiriiro aynu la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay dilka wadaha mooda bajaajlaha ahaa ee xalay lagu dilay wadada taleex ee kamidka ah lamiyada mara degmada hodan.
Xiriiro aynu la sameynay ehelada wiilkaasi ayaa inoo sheegay iney dowladda ay uga fadhiyaan iney wiilkooda askariga dilay gacanta kusoo dhigto, si ay u marsiistaan cadalada.
Baryihii ugu danbeeyay magaalada muqdisho waxaa caado ka noqotay dilalka sida bareerka ah loogu geysto wadayaasha bajaajta ka dhax shaqeeya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.



