Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga Dalka Imaaraadka ayaa booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Askarta Imaaraadka ee loo yaqaano “Waaxatu Karaama”
Kheyre ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.
Taaladaasi uu Raisul-wasaaraha Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.
Kheyre intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka.




