Waxaa xalay xili danbe duleedka magaalada muqdisho gaar ahaan agaarka xaafada Galmudug lagu dilay ruux rayid ahaa, sida idaacada Simba ay u u xaqiijiyeen Goobjoogayaal halkaa ku sugan.
Dilkaan ayaa waxuu uu xili danbe ka dhacay sarakuusta ama xaafada galmudug ee duleedka magaalada muqdisho, waxaana la sheegay iney ka danbeysay dilka ruuxaani in rag hubeysan ay ku amreen inuu iska dhiibo Taleefoon uu watay, kadibna uu ka madax adeegay arintaasina ay sababtay in goobta lagu dilo.
Xiriiro Simba ay la sameysay saraakiisha ciidamada dowladda ee Isgoyska Ex koontarool Afgooye ayaa inoo sheegay iney ku daba jiraan cida ka danbeysay dilka ruuxaasi xalay xili danbe lagu dilay sarakuusta.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya inan wali la garan ruuxaasi, rerka uu kasoo jeedo, taasina ay dhalisay inaan idinkugu soo gudbino sawirkiisa oo dadka qaar hadii ay garan karaan meydka ruuxaasi.
FG: muhiimada sawirka hoosewaa in la helaa ruuxaasi eheladiisa



