Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xirey qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ee Magaaladda caasimada ah ee muqdisho .
Shacabka muqdisho ayaa sakay kusoo toosay Ciidamadda amaanka dowladda oo gabi ahaanba xiray wadooyinka qaar ee magaalada, kuwaa oo u diidayay gaadiidka iney maraan Isgoysyada sido kale waxaa ganacsatada ay maalayeen cagtooda kuwaa oo aadayay goobahooda ganacsi maadaama aynan jirin gadiidka PL-ka loo yaqaan oo ka shaqeynaya wadooyinka muhiimka ee magaalada muqdisho.
Isgoosyada Saaka xiran ayaa waxaa kamid ah sida Isgooyska Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale iyo Tarbuunka oo kamid ah wadooyinka ugu isticmaalka badan magaalada Muqdisho.
Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, iyo kuwa Booliska oo shacabka iyo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka danbeysa xiritaanka wadooyinkaasi, inkasto muqdish ay caado ka noqotay xirista wadooyinka, wararka qaar ayaa sheegaya iney ka danbeyso xiritaanka wadooyinkaas, sababa amni oo laga cabsi qabo in weeraro qaraxyo ah lagu soo qaado magaalada muqdisho.
Saraakiisha laamaha amniga oo Idaacada Simba xiriiro la sameysay ayaa inoo sheegay in wadooyinka loo xiray sababa quseeya Amni, balse wax intaa dhaafsan aysan la wadaagi Karin warbahinta muqdisho.
Waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaaa isha ku haay WWW.SimbaNews.com

