War Deg Deg Ah: Sarkaal Ajnabi Ahaa oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Nin hubeysan ayaa goordhaweyd magaalada muqdisho  dil ugu geystay sarkaal Ajnabi ahaa oo katirsanaa Xafiiska Hay’adda Unucef  ee ku yaaal Xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.

Dilkaan loo geystay ninka Ajnabiga ahaa ayaa la sheegay inuu katirsanaa Xafiiska Hay’adda Unucef  ee magaalada muqdisho, waxaana la sheegay inuu dilkaasi geystay mid kamid ahaa ilaalada oo la sheegay markuu geystay dilka inuu isaga baxsaday goobta uu dilka ugu geystay ninka Ajnabiga ahaa.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Hay’adda Unucef  ee maagalada muqdisho, sido kale majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada dilkaan maanta loo geystay ninka Ajnabi ahaa.

Waxii kusoo kordha kala soco www.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here