Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in maanta Dekada weyn ee magaaladaasi uu kusoo xertay Markab wada Saanad Ciidan oo kala duwan taa oo la sheegay iney leeyihiin Ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobalkaasi.
Masuuliyiin kala gedisan oo katirsan maamulka koofur galbeed oo ku sugnaa maanta Dekada Magaalada Baraawe ayaa ka hadlay soo xerishada markabka iyo waxyaabaha uu wado markabkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali adan Najax oo kamid ahaa masuuliyiinta maamul koofur galbeed oo ku sugnaa Dekada magaaladaasi ayaa ka warbixiyay waxa uu yahay markabka.
“Waxaa Dekadda Baraawe Ku soo Xirtay Markab Sida Saadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyed Iyo Walaalaha Amisom Waxaana Suura Geliyay Nabada Iyo Hormarka Ka Jira Magaalada Baraawe’Arinta Dhismaha Airporka Magaalada Baraawe Insha’Alllah Wuu Bilaaban Doonaa waxaana Diyaar U Nahay Inaan Xalino Cabashada Shacabka” sida ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose (Najax)
Halka hoose ka Daawo Sawirada Laga Soo Qaaday Markabka Taagan Dekada Magaalada Baraawe




